Toban Xaalo oo Madaxweynahay iyo Madaxweyna Ku Xigeenku gar ku leeyahiin xaqna aan loogu lahayn in wax la waydiiyo
Toban sababood oo aan ku garwaqsaday in Madaxwenaha iyo madaxweyne ku xigeenku gar ku yeesheen inaanay dalka joogin cid ka fiican oo bedelikartaa, in wax la waydiiyona lagaga gardaran yahay. ``Laba is haysta haddad aragto balantoodii hore ayaa xumayd``
1. Hogaanka dalku (Madaxwenahay iyo ku xigeenkiisu) ma aha dad lahaa ambition ama hanka in uu (madaxweyne & kuxigeen) ku noqonlahaa ama ay dad iyo dal ku hogaamiyaan. 2. Hogaanka dalku sida aynnu ognahay waa nin buuxiayay shuruudo dhowra, waxa uu meesha ku yimi doonis nin (Alla ha unbaxariisto Ina Cigaal oo ilawsanaa inuu dhimanayo) kuna salaysnayd inaanu noqon qof isaga ka aqoon badan, in aanu noqon qof damac leh oo isaga hungureeya, inaanu noqon nin hadal kusoo celiya taas oo macnaheedu yahay nin liita oo aan talona keenin Talona qaadan.3. Ku xigeenkiisuna waxa uu isna buuxiyay shuruudaha ka hore lagu doortay kuwa kasii hooseya waayo isgana wax sii doortay kii shuruudaha hore lagu doortay oo “apparently” sida muuqata noqonaysa mid kasii liidata ka wax doortay. (Hal Xaaraan ahi Nirig Xalaala madhasho)4. Labadooda midkoodna ma aha qof ay ku beeran tahay dal iyo dad jacayl ku abuurta inuu u halgamo si taariikh wanaagsani uga hadho oo wax qabad muujiyo. Taasana keentay in dadka la shaqeeya kii in yar oo xilkasnimo iyo dal danayn lagu arko laga eryaa ama loo dhaleceeyaa.5. Dadkaygu nimankan shuruud iyo shardi toona lamay gelin ee si is miidaamin ah ayaa talada loogu dhiibay oo loogu yidhi hogaamiya dadkan dagaalka kasoo doogay 6. Dadkayga maamulka u dhiibtay ma aha dad mujtamac ahaan u bisil inay ku doodaan ama dhaqan galiyaan Dimoqraadiyadda ay shaaganayaan inay hirgalinayaan. Dadku ma aha dad yaqaanna dawladnimada iyo sida loo isticmaalo maadama ay isku qanciyeen idinku iska ilaaliya, waxa laga dhaadhiciyay Somaliland way dumaysaa haday hadal nalagu soo celiyo.7. Dadka dalka joogaa ama Siyaasiyiinta Sheeganayaa waa intii jeebkoodu madhnaa ee Ginigu (Sh20.00) godlinayay, taasaana sabab u noqotay in hogaankii iyo halgankii shacabku ku dhaco God dheer oon cidina kasoo sari Karin. “Waa dad Majita jaadka ah ku iibsanaya qadiyadda dalka iyo Dadka”8. Dadkaygu waa duul ilaabay oo aan lahayn miyir caadiya oo ay ku xasuusataan kuna xisaabiyaan dilkii tirade beelay iyo dhiigoodii u daatay dalkan iyo waxii maatadooda loo laynayay ama loo kufsanayay dumarkooda.9. Dadkaygu waxay si khaldan u fahmeen “in laysa saamaxo” In lays cafiyo oo la isa saamaxaa waa waxa islaamkeennu ina farayo laakiin taladaada oo meel aanad waxba ka goyn kaa gashaa waa doqonimo iyo dadnimo xumo .10. Dadkayga waxay rumaysan yahii Mamulka dalku inuu shaqo wayn u hayo maadama ay marba laba isku diryaan. Waxana muuqata siday wax u wadaan inaanay ku tala galin in ay dad nabad qaba iyo dal dhisan ka tagaan.
Tags:
toban xaalo
Posted at: 05:45 PM